Kusoo dhowaada bogga rasmiga ah ee Sheekh Xasan Abkoow, oo ah xarun loogu talagalay adeegyada Quraan saarka (Ruqyah) iyo daaweynta dhirta asalka ah. Waxaanu u adeegnaa bulshada Soomaaliyeed ee raadinaysa bogsiin waafaqsan Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabiga (NNKH).
Waa ayo Sheekh Xasan Abkoow?
Sheekh Xasan Abkoow waa aqoon-yahan diimeed iyo raaqi caan ah oo khibrad dheer u leh la tacaalida dhibaatooyinka la xiriira Sixirka, Isha, iyo Jinka. Sidoo kale, waa khabiir ku takhasusay dhirta la isku daaweeyo (Herbalist) isagoo isku xira daawada casriga ah iyo tan dabiiciga ah.
Hadafkayaga:
Hadafkayagu waa inaan u fududaynno qof kasta oo u baahan caawimaad inuu helo daaweyn hufan oo lagu kalsoonaan karo. Waxaan aaminsannahay in Quraanku yahay shifo, dhirtuna tahay nimco Alle noogu deeqay si aan caafimaadkayaga ugu daryeelno.
Adeegyada aan bixinno:
Quraan Saar (Ruqyah): Akhris shareecada waafaqsan oo loogu talagalay xanuunada ruuxiga ah.